Mohamed
A Farole

FOR PUNTLAND 2024

hufnaan iyo islaxisaabTan

Tariikh kooban

mohamed A. Farole

Mohamed Abdirahman Mohamed waa dhaqaaleyahan Soomaaliyeed oo ku dhashay Muqdisho, halkaas oo uu ku soo qaatay waxbarashadiisa hoose iyo sare. Wuxuu leeyahay in ka badan 30 sano oo khibrad ah oo ku saabsan arrimaha siyaasadda Soomaaliya, taas oo ka tarjumaysa aqoonta iyo waayo-aragnimada uu u leeyahay siyaasadda gobolka.

Mohamed wuxuu qayb libaax ka qaatay aasaaska Ciidamada Badda ee Puntland, isagoo muujiyay xirfadiisa iyo hoggaamintiisa arrimaha amniga iyo difaaca.   Mohamed wuxuu si muuqata uga soo shaqeeyay amniga iyo horumarka Puntland, isagoo noqday La-taliyaha Sare ee Amniga ee Madaxweynaha Puntland. Intii uu xilkaas hayay, wuxuu aasaasay isla markaana noqday Agaasimaha Ciidanka Badda ee Puntland (PMPF) intii lagu jiray xilligii maamulkii hore ee Puntland (2009-2014). 

Sanadkii 2009-2010, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Sare ee Isgaarsiinta ee Xafiiska Madaxweynaha Puntland. Isla sanadkaas (2010), wuxuu noqday La-taliyaha Warbaahinta ee Madaxweynaha Puntland ka hor inta uusan bilaabin Ololaha La-dagaallanka Burcad-badeedda oo guuleystay.   Intii uu ahaa agaasimaha PMF, ciidanka badda Puntland waxay xoreeyeen markabkii MV Iceberg1 sanadkii 2012. Mohamed wuxuu kaalin muuqata ka qaatay dhismaha dowlad-goboleedka Puntland kadib burburkii dowladdii Soomaaliya ee 1991 iyo aasaaskii Puntland sanadkii 1998. Wuxuu aasaasay idaacaddii ugu horreysay ee Garoowe iyo Warsidaha Garowe Online.

puntland president 2024

presidential goals

Himilooyinka Musharax Madaxweyne Mohamad Abdirahman Farole: Isagoo leh aragti dheer iyo waayo-aragnimo siyaasadeed, wuxuu ku haminayaa inuu sii xoojiyo horumarka Puntland, waxaana u qorshaysan:

Amniga

✓ Tayeynta, Tababarka, Horumarinta iyo kor u qaadista Mushahaaraadka Ciidamadda Dowladda
✓ Isku dhafka Ciidamada Puntland iyo tirtirista sumada qabiiladda ee ciidamada
✓ Xoojinta Booliska bulshada iyo barnaamijyada amniga dadweynaha
✓ Horumarinta barnaamijyada ka hortagga xagjirnimada iyo wacyigelinta
✓ Xoojinta amniga xuduudaha iyo sirdoonka
✓ Dhiirrigelinta wadahadalka iyo dib u heshiisiinta bulshooyinka ay colaaduhu saameeyeen.

Garsoorka

✓ Dhisidda iyo xoojinta nidaam Garsoor oo madax-bannaan.
✓ Tababaridda, Taageeridda iyo bixinta xuquuqda garsoorka
✓ Sameynta, Dayactirka iyo horumarinta
goobaha shaqada ee Garsoorka Puntland
✓ Sameynta iyo xoojinta nidaam cadaaladeed oo muwaadiniintu u siman tahay
✓ Dhaqan gelinta iyo sarreynta sharciga

ARRIMAHA BULSHADA

✓ Horumarinta Dhaqaalaha Qoysaska iyo Abuurista Shaqooyinka
✓ Waxbarashada iyo Tababarka Xirfadaha
✓ Hagaajinta Caafimaadka

HUFNAAN IYO ISLAXISAABTAN

MOHAMED FAROLE FOR PUNTLAND 2024

READY to MAKE BIG
THINGS
HAPPEN?